Ad Code

Ticker

6/recent/ticker-posts

Naf la hadalka

 Naf la hadalka:

"Naf la hadalka" waa mawduuc xiiso leh oo laga hadli karo in lagu falanqeeyo xaaladaha ay dadka la kulmaan marka ay isku dayayaan inay si qoto dheer u fahmaan naftooda iyo dareenkooda gudaha. Waa hab uu qofku naftiisa ula sheekaysto, taasoo keeni karta xasilooni maskaxeed, isku faham wanaagsan, iyo fahamka baahiyaha iyo hanka gudaha.

naf la hadalku" waxaa waaye  qaab isgaarsiineed oo maskaxdeena iyo nafteena dhexmaro si loo xalliyo caqabado maskaxeed ama dareen, ama si loo helo hagitaan gudaha ah. Waxaa jira labo nooc oo naf la hadal ah: mid togan oo dhiirrigelinaya, kalsoonida kordhinaya, iyo mid dhiirrigelinta xun ka soo horjeeda oo aakhirka keeni kara walwal iyo niyad jab. Xirfadda naf la hadalka togan waxaa la bartaa iyadoo la adeegsado ereyo dhiirrigelinaya, caqli gal ah, iyo naxariis nafsadeed, si loo taageero caafimaadka maskaxeed. Tani waxay naga caawin kartaa inaan si fiican u fahanno nafteena, go'aano caqli ahna ka qaadano nolosha.

Fahamka baahiyaha iyo hanka gudaha waa tallaabo muhiim ah oo qofka ka caawisa inuu naftiisa si qoto dheer u fahmo, noloshana si macno leh ugu hoggaamiyo. Baahiyaha gudaha waxay ka tarjumayaan waxyaabaha aasaasiga ah ee qofka u baahan yahay, sida dareenka ammaanka, jacaylka, qiimaha nafsadeed, iyo kalsoonida, halka hanka gudaha uu tilmaamayo himilooyinka, riyada, iyo rabitaanka uu qofku ku doonayo inuu nolosha ku gaaro guul iyo farxad.

muhiimadda ay leedahay in qofku barto baahiyihiisa asaasiga ah iyo himilooyinkiisa qarsoon, taasoo ka caawin karta inuu gaadho dheelitirnaanta nafsadeed iyo fayo-qabka nololeed. Marka la fahmo waxa gudaha ka kicinaya qofka, waxaa fududaanaysa in la qaato go’aamo ku saleysan qiimihiisa iyo rabitaankiisa, lagana fogaado isku buuqa ka dhasha baahiyo aan la ogeyn ama hanko la'aanta hagi karta.

Caqabadaha naf la hadalka

Naf la hadalku, inkastoo faa'iidooyin badan uu leeyahay, haddana wuxuu keeni karaa caqabado gaar ah, gaar ahaan marka uu yahay mid xun ama aan la maareynin si habboon. Caqabadaha naf la hadalka waxay u badan yihiin marka qofku si joogto ah isku canaanto, isku dhaliilo, ama ku celceliyo fikrado iyo dareenno niyad-jab ah. 

: Naf la hadalka xun wuxuu qofka ka dhigi karaa inuu dareemo qiimo darro iyo awood la’aan, taasoo si toos ah u wiiqi karta kalsoonidiisa iyo hanka uu leeyahay.  Markuu qofku maskaxdiisa ka buuxiyo fikrado xun, waxay u badan tahay inuu ku jiro xaalad walaac iyo cabsi joogto ah, taasoo keeneysa buuq maskaxeed iyo niyad jab sii kordha. Naf la hadalka xun wuxuu hor istaagi karaa horumarka shaqsiga ah iyo awoodda qofka inuu gaadho himilooyinkiisa, sababtoo ah qofku wuxuu ku mashquulayaa cabsi iyo shakiga naftiisa.

 Marka naf la hadalku noqdo mid xun, waxay saamayn kartaa xiriirada kale ee qofka, maadaama qofka uu ka aaminsanaan karo in kuwa kale aysan iyaga u arkin wax muhiim ah, taasoo keenta is-dhego-tir ama kalsooni darro. Naf la hadalka xun wuxuu keeni karaa in qofku ku mashquulo falanqaynta iyo dhibaatooyinka, taasoo si xoog leh u kordhisa fikirka xad-dhaafka ah (overthinking) iyo walwalka joogtada ah.   Waxaa muhiim ah in caqabadaha naf la hadalka la aqoonsado, loona beddelo hab togan oo taageero u ah nafta iyo horumarka shaqsiga.


Post a Comment

0 Comments